Jahwareer ka taagan garoonka diyaaradaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jahwareer ayaa saakay ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Muqdisho kadib markii shirkadaha duulimaadka ay hakiyeen shaqada gobolada.

Talaabo ayay ugu jawaabayeen xayiraad uu taliska Sirdoonka Soomaaliya kusoo rogay shirkado diyaaradeed oo maxali ah; wararku waxay sheegayaan in "mamnuucida ay la xiriirto duulimaadka gobolka Gedo".

Shaqo-joojinta ayaa saameyn ku yeelatay rakaabkii maanta ku qornaa inay gobollada u safraan, iyadoo is-marigaa taagan aysan jirin cid ka socota Xukuumadda soo soo dhex-gashay, waxaaba laga cabsi qabaa in arintan ay sii socoto.

Xaaladda Garoonka ayaa saakay ka duwan maalmihii hore, waxaana gudaha ka socda buuq ay sameynayaan dadka rakaabka ah, iyadoo Ciidamada amniga ay isku dayayaan inay kahor tagaan dibadbax dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM