Jahwareer ka taagan garoonka diyaaradaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jahwareer ayaa saakay ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Muqdisho kadib markii shirkadaha duulimaadka ay hakiyeen shaqada gobolada.

Talaabo ayay ugu jawaabayeen xayiraad uu taliska Sirdoonka Soomaaliya kusoo rogay shirkado diyaaradeed oo maxali ah; wararku waxay sheegayaan in "mamnuucida ay la xiriirto duulimaadka gobolka Gedo".

Shaqo-joojinta ayaa saameyn ku yeelatay rakaabkii maanta ku qornaa inay gobollada u safraan, iyadoo is-marigaa taagan aysan jirin cid ka socota Xukuumadda soo soo dhex-gashay, waxaaba laga cabsi qabaa in arintan ay sii socoto.

Xaaladda Garoonka ayaa saakay ka duwan maalmihii hore, waxaana gudaha ka socda buuq ay sameynayaan dadka rakaabka ah, iyadoo Ciidamada amniga ay isku dayayaan inay kahor tagaan dibadbax dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM