Jahwareer ka jira HirShabeelle: Wasiiradda oo markale la isku shaandheeyay

Image

JOWHAR, Somalia - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa isku dhaandheyn markii labo todobaad gudahooda ku sameeyay Gollahiisa Wasiradda.

Bishii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynaha sidan oo kale isku shaandheyn ugu sameeyay Wasiiradda, iyadoo isbedeladdan ay kusoo beegmayaan xilli khilaaf siyaasadeed uu ka taahan yahay HirShabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa lagu eedeeyay in hogaankiisa uu yahay mid jilcan, oo markasta oo dhinaca Baarlamanka uga soo furmo Mooshin ku xaliyo isku shaandheyn Gollaha Wasiiradda, oo Xildhibaanada ku kacsan xilal uga magacaabo.

Maamulka HirShabelle ayaa tan iyo markii la dhisay labo sano kahor ayaa waxaa soo maray labo Madaxweyne iyo dhowr Xukuumadood sababo la xiriira khilaafaadka aan dhamaadka lahayn.

Isku Shaandheyntii bishii hore:

Waare ayaa ka baxay Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, oo ku midoobey shir ay ku yeesheen Kismaayo 2017 kadib markii heshiis uu la galay Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM