James Swan oo kusii jeeda magaal madaxda Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa lagu waramay in Axada maanta ah uu kusii jeedo caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

James Swan iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan wadahadalo ay diiradda ku saaraan is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 iyo xalkooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Swan uusan ka baaqan safar uu ku tago magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe balse uu madaxweyne Farmaajo isku dayay in uu is-hor-taago, hasa ahaatee, arrintaas la dhameeyay.

Socdaalka uu Swan ku marayo xarumaha maamul goboleedyadda ayaa qeyb ka ah dedaaladda Beesha Caalamka ku dooneyso in xal looga khilaafka doorashooyinka kahor inta aan la gaarin 8-da Febraayo oo maalmo naga xigto.

Is-faham-waaga haatan jira waxaa xudun u ah; ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda ay xukuumadda ku dartay xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn iyo xulista wakiiladda Somaliland.

Dhanka kale, danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Donald Yamamota oo fasax ku maqnaa tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2021, ayaa la sheegay in uu dib u soo shaqo galaya lana balansan yahay hogaanka Soomaalida.

Diblumaasiga Ameeirkaanka ah ayaa la sheegay in uu madaxda dowladda iyo musharaxiinta uu la yeelan doono wada-xaajoodyo fogaan arag ah.

Washington ayaa kamid ah daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka Soomaaliya kuwaas oo horey uga digay doorashooyin hal dhinac ah iyo in khilaafka uu sii jiro taas oo dhabaha u xaari karta in faragelin toos ah ay ku sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM