James Swan oo kusii jeeda magaal madaxda Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa lagu waramay in Axada maanta ah uu kusii jeedo caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

James Swan iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan wadahadalo ay diiradda ku saaraan is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 iyo xalkooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Swan uusan ka baaqan safar uu ku tago magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe balse uu madaxweyne Farmaajo isku dayay in uu is-hor-taago, hasa ahaatee, arrintaas la dhameeyay.

Socdaalka uu Swan ku marayo xarumaha maamul goboleedyadda ayaa qeyb ka ah dedaaladda Beesha Caalamka ku dooneyso in xal looga khilaafka doorashooyinka kahor inta aan la gaarin 8-da Febraayo oo maalmo naga xigto.

Is-faham-waaga haatan jira waxaa xudun u ah; ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda ay xukuumadda ku dartay xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn iyo xulista wakiiladda Somaliland.

Dhanka kale, danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Donald Yamamota oo fasax ku maqnaa tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2021, ayaa la sheegay in uu dib u soo shaqo galaya lana balansan yahay hogaanka Soomaalida.

Diblumaasiga Ameeirkaanka ah ayaa la sheegay in uu madaxda dowladda iyo musharaxiinta uu la yeelan doono wada-xaajoodyo fogaan arag ah.

Washington ayaa kamid ah daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka Soomaaliya kuwaas oo horey uga digay doorashooyin hal dhinac ah iyo in khilaafka uu sii jiro taas oo dhabaha u xaari karta in faragelin toos ah ay ku sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM