James Swan oo la kulmay Mahdi Guuleed iyo Qoor-qoor

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergaga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu Muqdisho kula kulmay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo madaxweynaha Galmudug.

James Swan ayaa kala hadlay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] qodobo ay kamid tahay doorashooyinka 2020-21.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan".

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka".

Dhankiisa, Mahdi ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Facebook wuxuu ku yiri "Waxa aan xafiiskayga ku qaabilay Amb. James Swan. Waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha Doorashooyinka 2021".

Marka laga soo tago shaacinta Qoor-qoor iyo Mahdi, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankan oo kasoo baxay dhanka xafiisk diblumaasi James Swan.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli khilaafka ka taagan geedi u socodka doorashooyinka 2020-21 uu wali taagan yahay isla markaana ay socdaan dedaalo la doonayo in wada-ogol looga gudbo is-mari-waaga culus ee haatan taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM