Janan: Nama khuseeyo xiriirka DF u jartay Kenya

Image

KISMAAYO, Jubaland - Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), ayaa beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya isla markaana aysan waxba ka quseyn go'aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya.

Hadalka Janan ayaa yimid saacado uun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan.

Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera.

Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa mar walba waxa ay ku adkaysanaysay inaysan wax farogelin ah ku hayn arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da la hadlay ayaa wasiirka amniga Jubaland ku eedeeyay in uu Jabhad ka abaabulayo gudaha Kenya.

Balse Cabdirashiid Janan ayaa arrintaasi ku gacan seyray waxa uuna sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso.

"Waxaan xaqiijinayaa oo ummadda Soomaaliyeedna ay ogtahay in aniga aan joogo degmada Beled-Xaawo duleedkeeda oo dalka Soomaaliya gudahiisa ah", ayuu yiri Janan.

Mar wax laga weydiiyay eedeynta ah in ciidamo looga keenay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayuu wasiir Janan sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ee uu isaga wasiirka ka yahay.

"Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana joogo. Haddii taa ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee reer Jubbaland ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo muddada dheer", ayuu yiri Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland.

Janan ayaa dhanka kale ku eedeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi in ay dhibaato ku hayaan shacabka halkaasi deggan.

"Meeshan waxaa ku sugan ciidamo iyo shacabkii aan mas'uulka ka ahayn oo dhibban oo dhibaato dhac, boob iyo waxyaabo xaqiiqiyan bani'aadanimada aad ugu fool xun lagu hayo…degmadan Beled-Xaawo ee aan hadda duleedkeeda degganahay 5/3/2011 baan cadow ka qabannay. Haddana cadow kale ayaa haysta ayaan dhihi karaa sida shacabka loola dhaqmayo".

Waxa uu intaasi ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhaca gobolka uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo taliyaha nabad-sugidda Fahad Yaasiin.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uusan dank a geli doonin xiriirka ay dowladda Soomaaliya u jartay Kenya maadaama buu yiri iyagu ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Kenya.

"Xiriirka ay Villa Somalia u jartay dowladda Kenya waxba annaga Jubaland ah nagama quseeyaan. Dowladda Kenya xiriir baan la leenahay, deris baan nahay, walaal baan nahay, shacabka Soomaaliyeed baa ku dhex nool. Mana qabno in marnana xiriir loo jari karo, sidaasina aan ku kala go'i karno….mana aha ra'yiga aan ku hadlayno mid annaga Jubbaland ah oo kaliya aan qabnee qof kastaa oo Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo dalkan u naxaya ayaa qabo in ereyga Villa Somalia ka soo baxaya in uu yahay wax khaldan", ayuu yiri Janan.

Gobolka Gedo

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas'uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmada Baladxaawo oo ay horay ugu dagaallameen ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland ayaa weli ka mid ah meelaha ay Jubbaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Degmooyinka Gobolka Gedo - marka laga reebo degmada Ceelwaaq - dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Dhawaan ayay ahayd markii dawladda Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

"Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go'aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland."

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

BBC

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM