Janan oo "isku-dhiibay" Dowladda federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] ayaa isku dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya, sidda uu wariyey telefishinka ku hadla afka xukuumadda.

"Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ay hogaaminayaan wasiir dawlaha Wasaaradda Gadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Alcadaala ayna wehliyaan saraakiil kale ayaa duleedka degmada Balad xaawo ku soo dhoweeyay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dowladda isku dhiibay kadib wadahadal dhex maray," ayuu lagu daabacay barta Facebook ee telefishinka ku hadla afka dowladda.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo wareegto soo saartey, ayaa gelinkii hore ee Arbacada maanta ah wuxuu shaaciyey in uu Janan la qaadey xilka wasiirka amniga.

Al-Cadaala oo telefishinka qaranka uu soo xigtay ayaa muujiyey sidda ay ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Janan kaasoo gelinkii hore ee maanta soo gaarey duleedka magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

"Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda gobalka Gedo ayaa heshiis lagaaray Dawladda Soomaaliya. Innaga oo ah wafdi ka socda DFS ayaan kula kulanay Wasiirka Duleedka Beledxaawo. Wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo Qarannimada iyo dedaal ay bixisay Dawladdu," ayuu Al-Cadaala yiri, sidda TV-ga wariyey.

Wuxuu raaciyey: "Wasiirka waxaa wehliya Ciidamo badan kuwaas oo iyana ku biiriya Ciidanka Qaranka. Talaabadaan waa mid ka farxinaysa Qofkasta oo jecel Qarannimada Soomaaliya wuxuuna ka nixinayaa cidkasta oo cadaw ku ah Qarankeenna".

Maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa ka shaqeynaya in uu siyaasad ahaan wiiqo Madaxweyne Axmad Madoobe xilli magaalada Muqdisho u joogo xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka.

Gobolka Gedo oo xuduud la leh Kenya ayaa kamid ah qodobada ugu culus ee xudunta u ah is-mari-waaga iyaddoo Madaxtooyadda Soomaaliya dooneyso in ay gacanta ku dhigto Xildhibaanada laga soo doorto gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM