Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Image

BERLIN — Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa ka digay in dagaalka ka dhanka ah Iiraan uu yeelan doono cawaaqib fog oo saameeya dhaqaalaha caalamka, isagoo xusay in dalkiisu uu isku diyaarinayo culays dhaqaale oo daba dheeraada.

"Waxaan dareemi doonaa saameynta dagaalkan muddo dheer, xitaa marka uu dhammaado," ayuu Merz ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Berlin. "Sidaas darteed, waxaan u diyaargaroobeynaa culays weyn oo ku yimaada dhaqaalaha Jarmalka muddo dheer – taas oo sidoo kale culays ku noqon doonta qoysaska iyo nolosha gaarka ah."

Hoggaamiyahan ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ayaa muujiyay qoomamo ku aaddan in wadahadalladii Mareykanka iyo Iiraan ee ka socday magaalada Islamabad ay kusoo dhammaadeen heshiis la'aan, isagoo xusay inay markii horeba muuqdeen caqabado adag.

"Lama yaabin go'aanka lagu joojiyay wadahadalladii Islamabad. Tan iyo bilowgii, maysan iila muuqan inay si wanaagsan u diyaarsanaayeen," ayuu u sheegay weriyayaasha, isagoo raaciyay in xal diblomaasiyadeed la helo ay noqon doonto geedi-socod qaadan doona muddo dheer.

"Waxaan la hadlaynaa maamulka Mareykanka, dhinacyada isku hayay khilaafka, iyo Israa'iil," ayuu yiri Merz, isagoo ku nuuxnuuxsaday in wadahadalladu ay sii socon doonaan.

Si loo yareeyo culayska ka dhashay sare u kaca qiimaha tamarta ee uu sababay dagaalku, Merz ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay isku raacday tallaabooyin gargaar ah oo loogu talagalay ganacsiyada iyo qoysaska.

"Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah," ayuu yiri Chancellor Merz. Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay si degdeg ah u hagaajin doonto xaaladda darawallada iyo ganacsiyada, gaar ahaan kuwa gaadiidka u adeegsada shaqada.

Sidoo kale, dawladdu waxay u oggolaan doontaa shirkadaha inay shaqaalahooda siiyaan "lacag gunno ah" oo aan canshuur laga qaadeyn oo gaaraysa ilaa $1,170, si looga caawiyo la tacaalida nolosha qaaliyoobaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM