Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo degmada Cadaado gaarey

Image

June 22, 2015 (GO)- Guddoomiyha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo horay degmada Cadaado ugu sugnaa, madax dhaqameed iyo boqollaal dadweyne ah ayaa ka qayb qaatay soo dhoweynta Jawaari, iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.

Muddada uu Cadaado ku sugan yahay, Guddoomiyaha Baarlammaanku wuxuu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada Jawaari ee Cadaado ayaa kusoo aadeysa xilli uu gabagabo ku dhow yahay shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Jadwalka shirka oo la shaaciyey:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka dhameystirka shirka Cadaado ee lagu dhisayo  maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiramaan Maxamed Xuseen  (Odowaa) ayaa tilmaamay in muddo labo Todobaad  gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Guddoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku-xigeenkiisa.

JADWALKA AYAA U QORNA SIDAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM