Jawaari oo baaq u diray Madaxda Xabsiga Dhexe ee Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray madaxda Xabsiga dhexe ee Muqdishu.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa Ku xiran boqolaal dhalinyaro ah, kuwaas oo lagusoo qab qabtay howlgallo ciidamo ka sameeyeen Caasumadda Somalia. 

Mudane Jawaari oo ka hadlayay xaflad loo qabtay ciidamada Asluubta Somalia ayaa sheegay inaan loo dul qaadan doonin dad bilaa dambi ah oo Ku jira Jeelasha. 

Wuxuu codsaday in la furo gal-dacwadeed Ku saabsan dambiyada loo haysto dhalinyaradaas islamarkaana xorriyadooda la siiyo wixii aan dambi lahayn. 

Afhayeenka golaha Shacabka ayaa dalbaday in si gooni ah looga taxadaro xaaladda Dumarka howlgallada lagusoo qabto. 

Hadalkan ayaa kusoo aadaya Xilli Madaxweynaha cusub Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ballanqaaday inuu cadaaladda mudnanta siin doono. 

Inta badan dhalinta kasoo qabto ayaa lagu eedeeyaa inay ka dambeeyeen falal Amniga liddi Ku ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM