Jawaari oo ku dhawaaqay Guddiga Anshax doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha golaha wakiillada Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayuu uga hadlay arrimo ku aadan doorashada Somalia isagoo magacaabay guddi ka shaqayn doono anshaxa iyo dadajinta howlaha socda.

Qoraalka Jawaari ayaa lagusoo xulay 9 xubnood oo aan kamid ahayn golaha wakiillada Somalia, balse ay ka dhexmuuqatay haweenay isu taagtay Madaxweynaha dalka, balse aan ku jirin shakhsiyaadkii gudbistay araajidooda taasoo lagu magacaabo Faadumo Qaasim Dayib.

Guddigan, waxaa loo xilsaaray sidii ay ula socon lahaayeen dhammaan howlaha doorashada islamarkaana warbixin maalinle ah u siin lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Somalia.

Magacaabistan ayaa timid xilli 9 maalin oo qura ay ka hartay waqtiga qabashada doorashada Madaxweynaha iyadoo sidoo kale mudane Jawaari magacaabay ruuxa u daadihinaya murashaxiinta dooda ay yeelan doonaan.

\

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM