​Jawaari oo ku wajahan Jowhar iyo Xildhibaano la dhaarinayo

Image

JOWHAR, Somalia- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somalia ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, haalkaas oo kasocdo shirka maamulka cusub ee loogu magac daray Hir-Shabeelle.

Wararka Warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari ka qeybgalayo dhaarinta Xildhibaanada Hir-Shabeelle, oo ka dhacaysa Hoolka Shirka uu ka socdo ee magaalada Jowhar, halkaas oo maalintii shalay ahayd lagu xareeyay Xildhibaanada maamulkan.

Dhaarinta Xildhibaanada oo maanta dhici doonta, ayaan wali lahayn tiradooda rasmiga ah, balse waxaa jira khilaaf iyo Mudanayaal aan wali lasoo gudbin.

 Wararku waxay sheegayaan in hadda ay diyaaryihiin oo kaliya 45 Xildhibaan.

Sida ay xusayso xog hordhaca ah ee soo gaartay GO, Baarlamaanka Hir-Shabeelle wuxuu ka koobnaan doonaa 91 mudane, waxaana suurtagal ah inuu ka yaraado ama ka badnaado, sababtoo ah Beelo qaar ayaa ka baxay Shirka.

Marka la gaaro 15-ka Bishan October, Xildhibaanada Hir-Shabeelle waxay dooran doonaan Madaxweynaha Maamulkaasi, taasi oo soo afjari doonta Shirka socday mudada ku dhaw halka sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM