​Jawaari oo Muqdishu kula kulmay Murashaxiin

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyaha dhawaan markii labaad la doortay ee Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta Villa Hargaysa ee ay ku shiraan Xildhibaanada golaha shacabka dalka, ku qaabilay qaar kamid ah murashaxiinta xil doonka ah.

Jawaari, ayaa qaabilay Xubno ay ku jireen; Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Farole oo katirsan Aqalka Sare, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti.

Ujeedka kulankaas ayaa wararka Warsidaha GO ka helayo sheegayaan inay iska xog waraysteen arrimaha doorashada Somalia iyagoo su'aalo Guddoomiyaha ka weydiiyay waxyaabo mugdi uga jiray.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, aya warbaahinta u sheegay in is-aragan yimid kadib markii dalab uga yimid dhinaca murashaxiinta, isagoo ballanqaaday inay diyaar u yihiin sidii ay u qancin lahaayeen murashax kasta oo su'aalo ka qaba howlaha qaran ee socda.

Wuxuu intaas ku daray inay kawada hadleen  qaabkii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ku salaysan.

Shirka labada dhinac ayaa yimid xilli barri la filay inay qabsoonto doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo waqtigaa kadib lagu wado inay is-arkaan guddoonka labada Aqal, dabadeedna soo saaraan jadwal cadaynaya waqtiga doorashada Madaxweynaha la qaban doono.

Mas'uuliyiin kudhow 20 qof ayaa raadinaya xilka Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM