​Jeedinta khudbadaha murashaxiinta oo Muqdishu kasocota

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta si toos ah magaalada Muqdishu uga bilaabatay jeedinta khudbadaha murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia oo ay ku loollamayaan in kabadan 20 qof oo qaybtood xilal kasoo qabteen dalka.

Sida Guddiga doorashada Madaxweynaha horay u shaaciyeen waxaa maanta loo ballansanaa inay khudbadaha jeediyaan 8 murashax inkastoo uu cudurdaartay mid kamid ah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdi.

Guddoomiyaha golaha shacabka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulanka furay, wuxuuna deeq lacageed oo kamid ahayd middii murashaxiintu isku diiwaangaliyeen ku wareejiyay Guddiga abaaraha Somalia, taasoo horay loo ballanqaaday.

Mudane Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in fadhigan soo xaadireen 208 mudane, waxaana goobta lagu dhaariyay Xildhibaano Cusub.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Ducale Bayle, ayaa xusay in murashax walba uu haysto 30 daqiiqo oo uga warami doono taariikhdiisa iyo waxa uu qaban doono.

Murashax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee khudbad ka hor-jeediyay Barlamanka Somalia.

Xubnaha kale ee jeediyay khudbadaha, waxaa kamid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Siciid Cabdullaahi Deni, Siciid Ciise Maxamuud, Bashiir Raagge Shiiraar. Xubnahaas qayb kamid ah way jeediyeen.

Jeedintan ayaa socon doonta muddo saddex bari ah, waxaana tallaabadan kusoo aadaysa xilli 6 bari oo qura ka hartay waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM