Jeesow: "Amaanka sidii ayuu u xun yahay iyadoo wadooyinka la wada xiray"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa maanta kulan ka yeeshay xaaladda amniga ee magaaladda Muqdisho, oo mudooyinkii dambe faraha kasoo baxayay, iyadoo ay kusoo kordheen qaraxyada iyo dilalka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa hadal uu ka jeediyay Baarlamaanka ka sheegay in ay nasiib darro tahay in iyadoo wadooyinka oo dhan ay dowladda xirtay, haddana ay qaraxyada ay dhacayaan.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Xildhibaanka in jidadka laga xiro shacabka, oo Hooyooyinka Soomaaliyeed ay wadooyinka ay ku dhalayaan/umulayaan sidoo kalena ay ciidamada dhex-dooda iska hor-imaadyo ku dhex marayo gudahaa Caasimadda.

Daahir Amiin Jeesow ayaa daboolka ka qaadey in Xildhibaanada looga baahan yahay inay ka hadlaan dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ay matelaan, oo noqday kuwa labada dhinac ka gubanaya, oo wajahaya qaraxyada Al-Shabaab iyo dilalka Askarta DF.

Waxa uu ugu baaqay Gudoonka Gollaha in laga fekerayo naceybka shacabka ee dowladda oo sii kordhaya, maadaama ciidanka qaranka difaacooda loo dhaariyay ay dilayaan, sidoo kalena ay wadooyinka ka xirteen, taasoo nolol maalmeedkooda ciriiri gelisay.

Sidoo kale, Xildhibaan C/xakiin ayaa tilmaamay in Baarlamaanka uu noqday mid haddii uu la xisaabtamo Xukuumadda laga dhigayo mucaarad, haddii uumasana shaqo kama socoto la yiraahdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM