Jeneraal Caanood oo ka badbaaday isku-day dil [Fahfaahin]

Image

SHALANBOOD - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax lagu weeraray Kolanyo uu la socday Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jen Cabdullaahi Cali Caanood, kaasoo la doonayay in lagu khaarijiyo sarkaalka

Faahfaahinta ayaa intaas ka dareysa in weerarka Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Lamber 60 iyo Shalanbood uu ku dhaawacmay Hal askari oo ka tirsanaa Ilaaladda Jeneraal Caanood.

“Qaraxa wuxuu ahaa Miino lagu aasay wadada dhinaceeda. Hal askari oo ka tirsan Ilaalada Jeneraal Caanood ayaa ku dhaawacmay, isaga [Caanood] waa uu ka badbaaday weerarka,” Sarkaal magaciisa ka gaabsaday ayaa sidaasi GO u sheegay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaan qaraxa ah, iyadoo tilmaantay inay ku dishay Askar ka tirsan ilaalada abaanduulihii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

General Caanood ayaa kamid ahaa xubnihii uu xilalka ka xayuubiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana lagu bedalay Odowaa Cabdullaahi Yuusuf Raage.

Raage oo ahaa Taliyihii Ilaalada Madaxtooyadda Soomaliya ee loo yaqaano Koofi Casta ayaa loo dalacsiiyey darajadda Janaraal, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi dhalin yaro oo lagu sifeeyay inuu yahay “howlkar”.

Weerarkan, ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Jubbaland iyo Taliska Ciidanka xoogga, kadib markii diyaarad ay la socdeen Taliyaha cusub ee Jubbooyinka iyo Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood lasoo celiyay dhawaan Garoonka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM