Jeneraal Itoobiyaan ah oo la wareegay Taliska AMISOM [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Jeneraal u dhashay dalka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah [31-ka January 2019] si rasmi ah ula wareegay hogaanka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa xilka meertada ah kala wareegay Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, oo soo hayay tan iyo mid hal sano ah [January 2018 illaa January 2019].

Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo kasoo keeda Uganda ayaa isna xilka kala wareegay Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh oo u dhashay dalka Jabuuti.

Madaxa guud ee AMISOM, ahna Wakiilka Midowga Africa ee Somalia, Francisco Madeira iyo saraakiil sare ayaa ka qeyb-galay munaasabad kooban, oo labada taliye xilalka ku kala wareegeen.

Taliyaha cusub ayaa la sheegay inuu leeyahay qibrad ciidan oo mudo 34 sano ah, waxaana uu xilal kala duwan kasoo qabtey qeybaha ciidamada difaaca dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horeysay oo Taliye kasoo jeeda Itoobiya qabto xilkan, iyadoo Xukuumadda Addis Ababa mudo ka meer-maaraysay in ciidamadeeda ay Muqdisho tagaan sidoo kalena ay hogaanka AMISOM la wareegaan, balse hadda arintaasi uu bedelay Abiy Axmed.

Dalalka ciidamada ugu yaboohey howlgalka AMISOM, oo ka kooban Uganda, Kenya, Burundi, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa marba mid qabta xilka Taliska howlgalkan, oo soo billowday 2007, 11 sano kahor.

AMISOM ayaa oo 22-kun oo Askari ka kooban ayaa waxay ilaaliyaan xarumaha muhiimka dowladda iyo madaxda sare marka laga soo tago dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shaabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM