Jeneraal Itoobiyaan ah oo la wareegay Taliska AMISOM [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Jeneraal u dhashay dalka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah [31-ka January 2019] si rasmi ah ula wareegay hogaanka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa xilka meertada ah kala wareegay Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, oo soo hayay tan iyo mid hal sano ah [January 2018 illaa January 2019].

Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo kasoo keeda Uganda ayaa isna xilka kala wareegay Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh oo u dhashay dalka Jabuuti.

Madaxa guud ee AMISOM, ahna Wakiilka Midowga Africa ee Somalia, Francisco Madeira iyo saraakiil sare ayaa ka qeyb-galay munaasabad kooban, oo labada taliye xilalka ku kala wareegeen.

Taliyaha cusub ayaa la sheegay inuu leeyahay qibrad ciidan oo mudo 34 sano ah, waxaana uu xilal kala duwan kasoo qabtey qeybaha ciidamada difaaca dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horeysay oo Taliye kasoo jeeda Itoobiya qabto xilkan, iyadoo Xukuumadda Addis Ababa mudo ka meer-maaraysay in ciidamadeeda ay Muqdisho tagaan sidoo kalena ay hogaanka AMISOM la wareegaan, balse hadda arintaasi uu bedelay Abiy Axmed.

Dalalka ciidamada ugu yaboohey howlgalka AMISOM, oo ka kooban Uganda, Kenya, Burundi, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa marba mid qabta xilka Taliska howlgalkan, oo soo billowday 2007, 11 sano kahor.

AMISOM ayaa oo 22-kun oo Askari ka kooban ayaa waxay ilaaliyaan xarumaha muhiimka dowladda iyo madaxda sare marka laga soo tago dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shaabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM