Jeneraal Qaalib oo diiday xilkii uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Image

MUQDISHU, Somalia - Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa diiday inuu qabto Xilka Gudoomiyaha Gudiga Taakuleynta Ciidamada, oo habeen hore u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay markii hore xilkaasi in aanan lagala tashan Xilkan loo magacaabay, hadana uusan diyaar u aheyn qabashadiisa, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in magacaabistaasi ay ku dhacday si qalad ah.

Wali dowladda Federaalka kama aysan hadlin warka kasoo baxay Jeneraal Jaamac, ee ku aadan inuusan qaban karin Xilka loo magacaabay ee ah Gudoomiyaha Gudiga Taakualeynta Ciidan Xooagga dalka.

Diidamada Qaalib ayaa dhabar jab ku ah dowlada Madaxweyne Farmaajo taasoo lagu eedeeyo iney balanqaadyo deg deg ah sameysay.

Jeneraal Jaamac oo horey usoo noqday Taliayaha Booliska, sidoo kalena soo qabtey Xilal kala duwan, ayaa xusay inuu noqday qof da’ah, islamarkaana uusan diyaar u ahayn inuu xil ka qabto dalka.

Waqtiga uga haray noloshiisa ayuu sheegay inuu ku bixin doono in Taariikhda dalka inuu baro dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaama uu yahay shaqsi aqoon iyo qibrad badan xambaarsan.

Jeneraal xilalkii uu dalka usoo qabtey tan iyo Xuriyadii 1960-kii, waxaa kamid ah Taliyaha Booliska, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Shaqada, Gaadiid iyo kuwa kale oo dowlada hoose ah.

Hadda, Jaamac waa nin u dhaq-dhaqaaqa ama u dooda arrimaha bulshada, iyo qoraa wax ka qora Taariikhda Somalia.

Bugaagtii uu qoray waxaa kamid ah;

Cost of Dictatorship, The Somali Experience (1995).

Who is a Terrorist? (first & second edition 2002 & 2005)

Defending History (2005)

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM