​Jeneral Goobaale oo Muqdishu lagu aasay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- AHN, waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagu aasay Marxuum Maxamed Aadan Rooble (Goobaale), oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay xarunta dalka.

Madaxweynaha xilku ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, Madax katirsan dowladda Federalka, madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa ka qayb galay saaladda janaazada Marxuumka.

Duug kadib, waxaa hadal kooban jeediyay mudane Xasan Sheekh, oo sheegay inuu Goobaale ahaa halyeey usoo halgamay dalka iyo dadka Somaliyeed, isagoo xusay inuu cadowga ka kiciyay dhulka iyo dad Somaliyeed oo ay muddo dhibaataynayeen.

Xasan Sheekh, wuxuu xusay in marxuumku geeriyooda isagoo gudanaya waajibaadkiisa Qaran, wuxuuna ALLE uga barayay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii,
eheladii, ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Wuxuu kasoo baxay kaalintii kaga aaddanayd ciribtirka Al-shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo,’’ Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxda kale ee aaska tagtay, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehelkii iyo qaraabadii uu katagay Jeneralku, iyagoo xusay in qof walba dhimanayo laakiin ninkii taariikh reeba la xasuusan doono.

Shalay, ayaa Goobaale iyo Afar kamid ah ilaaladiisa lagu dilay, magaalada Muqdishu, kadib markii mallayshiyaad katirsan Al Shabaab la beegsadeen gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM