​Jeneral Goobaale oo Muqdishu lagu aasay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- AHN, waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia lagu aasay Marxuum Maxamed Aadan Rooble (Goobaale), oo shalay lagu dilay qarax ka dhacay xarunta dalka.

Madaxweynaha xilku ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, Madax katirsan dowladda Federalka, madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa ka qayb galay saaladda janaazada Marxuumka.

Duug kadib, waxaa hadal kooban jeediyay mudane Xasan Sheekh, oo sheegay inuu Goobaale ahaa halyeey usoo halgamay dalka iyo dadka Somaliyeed, isagoo xusay inuu cadowga ka kiciyay dhulka iyo dad Somaliyeed oo ay muddo dhibaataynayeen.

Xasan Sheekh, wuxuu xusay in marxuumku geeriyooda isagoo gudanaya waajibaadkiisa Qaran, wuxuuna ALLE uga barayay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii,
eheladii, ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Wuxuu kasoo baxay kaalintii kaga aaddanayd ciribtirka Al-shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo,’’ Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxda kale ee aaska tagtay, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehelkii iyo qaraabadii uu katagay Jeneralku, iyagoo xusay in qof walba dhimanayo laakiin ninkii taariikh reeba la xasuusan doono.

Shalay, ayaa Goobaale iyo Afar kamid ah ilaaladiisa lagu dilay, magaalada Muqdishu, kadib markii mallayshiyaad katirsan Al Shabaab la beegsadeen gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM