Jilaafada ugu dambeysa Fahad Yaasiin ku dhisayo Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya – Kaliya maahan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir walaaca Soomaali badan ka qabaan in uu ka mid noqdo baarlamaanka soo socda kaasoo uu xusul-duub baahsan ugu jiro in uu kamid noqdo xeer-dejinta dhowaan la dooranayo.
Warsidaha Garowe Online wuxuu xaqiijiyey in ugu yaraan 16 sarkaal sarre kana tirsan dharcadka NISA uu agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya qorsheynayo in ay kamid noqdaan baarlamaanka soo aadan, waana istiraatiijiyad loo dajiyay in lagu xoojiyo ajandayaasha qarsoon ee Farmaajo.
Cabdullaahi Kulane, oo hadda ah ku xigeenka NISA ahna mid kamid ah gacanta midi gee Farmaajo, ayaa sidoo kale wuxuu ka tagi doona hay’adda si uu ugu tartamo kursi baarlamaan.
Maadaama hay'addu ay qeyb ka ahayd qaar ka mid ah dambiyadii foosha xumaa ee Soomaaliya ka dhacay 4-tii sano ee la soo dhaafay, baarlamaanka waxaa loo arkaa inuu yahay meel gabaad ah looga noqon karo in lagula xisaabtamo.
Dhamaan arrimahan waxay caqabad ku noqon doonaan maamulka xukunka la wareegi doona balse waa haddii ay u hirgelaan sida ay qorsheynayaan dhinacyada ku lugta leh.
Sababo la xiriira in ay sareyso rajada shacabka ee ah in cadaalada la horkeeno shakhsiyaadka ku kacay falalka sharci darada ah 4-tii sano ee la soo dhaafay, cadaadiska lagu saarayo shaqsiyaadka gaarka ah ee ku jira baarlamaanka ayaa u muuqda mid halkiisa kasii soconayo.
Iyadda oo istiraatiijiyadoodu tahay in ay xukunka ugu soo laabtaan ayaga oo ku biiraya baarlamaanka, qaar kamdi ah saraakiisha dharcadka ee NISA ayaa lagu dhex-abuuray guddiga doorashadaoo lagu waddo in ay ku hogaamiyaan coddeynta soo socota laba bilood gudahood.
Inkasta oo ugu yaraan 34 ka mid ah 67 qof laga saarey, haddana siyaasiyiinta mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in xubinnimada guddiga ay wali shaki ku jirto.
"Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, mid kamid ah musharaxiinta madaxtinimadda.
Warsame ayaa ku daray: "Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble".
Saraakiisha NISA ee la filayo inay u tartamaan doorashada baarlamaanka waxaa ka mid ah Liibaan Kadiye, Maxamed Ciise, Yaasiin Maxamed, Mukhtaar Maxamed, Faarax Cabdi, Maxamed Cabdullaahi, Cabdiladiif Cabdullaahi, Cabdulqaadir Muxidiin, Cabdullaahi Cabdiraxmaan, Cabdi Wahaab, Axmed Cali, Xaaji Aways, Ismaaciil Isaaq, iyo Asmo Yussuf.
Ma noqon doonto markii ugu horeysay ee saraakiil sirdoon ay kamid noqdaan baarlamaanka, hase ahaatee, waxaa su’aallo dul-hooganeysaa qaabka ay waddanka uga sii shaqeyn karaan iyadda oo caddeymo loo hayo gabood-falo ay dalka ka geysteen.
GAROWE ONLINE