Joe Biden oo loo diray dalab la xiriira Soomaaliya
WASHINGTON, US – Joe Biden waa in uu si deg-deg ah askarta Mareykanka dib ugu soo celiyaan isla marka uu xafiiska la wareego 20-ka Janaayo si aysan dhicisoobin guulihii lagu gaaray sanadaha, sidda lagu sheegay maqaal lagu daabacay wargeyska Foreign Policy.
Madaxweynaha mac-salaameynaya Aqalka Cad ee Donald Trump ayaa 4-tii December ee 2020 wuxuu ku dhawaaqay in askarta Ameerikaanka ay ka hayaami doonan Soomaaliya 15-ka Janaayo, 2021.
Maqaalka Jariiradda oo ciwaan looga dhigay "Go'aanka Trump ee askarta Mareykanka looga saarayo Soomaaliya waa mid leh khatar dhanka ammaanka ah. Biden waa in uu meesha ka saaraa".
Qormada oo iftiimisay cawaaqibka talaabadan kuna soo beegantay maalin kahor inta go’aankaas dhaqan-gelin ayaa lagu xusay in Al-Shabaab ay faa'iido u tahay talaabadda bixitaanka askarta Mareykanka.
"Kadib bixitaanka askarta Mareykanka, hogaamiyeyaasha Al-Shababa waxay kasoo bixi doonan duurka ayaga oo dib isku abaabuli doona isla markaana qorsheyn doono weeraro aysan kaliya ka fulin Soomaaliya balse guud ahaan gobolka ay ku yaalaan xulafo muhiim u ah Mareykanka sidda Kenya iyo Itoobiya," ayuu ku daray qoraaga.
Sidoo kale, faaladda ayaa lagu xusay in bixitaanka askarta Mareykanka ay xasilooni darro u horseedeyso Soomaaliya isla markaana ay wiiqeyso iskaashiga dhanka ammaanka ee labadda waddan.
"Waxay su’aal gelineysaa kalsoonida ay Soomaalida ku qabi karaan Mareykanka," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah warbixinta bogga oo intaas ku daray in bixitaanka kusoo beegantay ayada oo gobolka Geeska Afrika wajahayo xasarado si gaar ah colaadda ka oogan Itoobiya.
Ciidamadda kumaandooska ah ee Dana boo Washington ay tababartay qalabeysanna ayaa lagu qeexay in ay hoos-u-dhigi doonto awooda ay u leeyihiin in ay fuliyaan howlgalo guuleysta.
"Maamulka Biden wuxuu u baahan yahay in uu sarre u qaado dedaalada Mareykanak ee Soomaaliya si loo xoojiyo awooda dowladda u leedahay in ay iska caabiso halista Al-Shabaab. Talaabada ugu horeysay ee Biden ay tahay in uu si deg-deg ah uga qaado Soomaaliya waa in uu dib ugu daabulo askarta ayna xigto in uu xaqiijiyo taageerada mustaqbalka ee Mareykanka. Hadii aysan taas dhicin, dedaalkii Mareykanka ku bixiyey nabada Soomaaliya waxay noqon doonan kuwa lagu khasaarey," ayaa lagu soo xiray.
Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 700 askari, waxaana ay tababar, taageero qalab iyo sahay ay siiyaan dhigooda Soomaaliya. Si lamid ah, waxay fuliyaan howlgalo dhanka cirka kana dhan ah maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE