John Kerry iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaarey

Image

May 5, 2015 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry.

Booqashdan ayaa ah tii ugu horreysey muddo 25 sano ah ee mas'uul xil heerkaas gaarsiisan dowladda Maraykanka ka hayaa ku yimaado dalka Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdigaas kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Kay iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Kerry ayaa saacadaha uu Muqdisho ku sugan yahay garoonka Aadan Cadde dhexdiisa  kulammo gaar gaar ah kula yeelan doona madaxda ugu sarreysa Dowadda Federaalka, ergeyga Qaramada Midoobey iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Kulammadaas ayaa intooda badan ah kuwo diiradda lagu saari doono la-dagaalanka argagixisada gaar ahaan ururka Al-shabaab, iskaashiga dhanka ammaanka iyo higsiga 2016.

Dhanka kale, ammaanka Muqdisho si weyn ayaa maanta loo adkeeyey, waxaana xaafadaha ku dhow dhow garoonka diyaaradaha dul heehaabaya diyaaradaha dagaalka ee qummaatiga u kaca inta badan jidadka muhiimka ah ee garoonka soo galana waa la xirey.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry oo lugtiisii ugu horreysey socdaalka uu ku marayo Geeska Afrika ku tegey dalka Kenya wuxuu magaalada Muqdisho uga sii duuli doonaa dalka Jabuuti, halkaasoo militeriga Maraykanku fariisin ciidan oo weyn ku leeyihiin.

Dhowaan ayey ahayd markii Dowladda Maraykanku safiir usoo magacaabatey Soomaaliya islamarkaana shaacisey inay dib u furan doonto safaaraddii ay ku lahayd Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM