Joogitaanka Farmaajo oo "colaad u dedejineysa" Soomaaliya

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa lagu waaniyey in uu ka fogaado talaabooyinka sharci darada ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Mar walba oo madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo xafiiska kusii joogo si sharci darro ah kuna dhaqmay talaabooyin baalmarsan dastuurka, Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u sii dhawaaneyso colaad.

Ismaaciil Cusmaan, agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya oo u waramay wargeyska Washington Post, ayaa adkeeyay in si deg-deg ah loo galo doorashooyin xalkana uu geedi-socodkaas ku imaanayo.

"Inta madaxweynuhu xafiiska fadhiyo siina waddo hab-dhaqanka aan waafaqsaneyn dastuurka, Soomaaliya waxay kusii siqyasaa dagaal sokeeye," sida uu ka dhawaajiyey Cusmaan oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowlada.

Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta Rooble ayaa haatan waxay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin qaabka loo maareynayo doorashooyinka iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, haweenay ka tirsaneyd hay’ada sirdoonka oo la waayey.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu xagal-daacinayo baaritaanka, nidaamka cadaalad u raadinta Ikraan iyo in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha maadaama uu u magacaabay xilal qaar kamid ah eedeysaneyaasha ugu waaweyn kiiska.

Ilheynta gaarka ah ee Mareykanka

Beesha Caalamka iyo Mareykanka ayaa hormuud u ah olole diblumaasiyiintu waddaa kaasoo daaran in xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan uusan saameyn ku yeelan doorashooyinka.

Michael McCaul, xubin ka tirsan guddiga arrimaha dibadda Aqalka Hoose ee Mareykanka, ayaa u sheegay Washington Post in ay si gaar ah isha ugu haynayaan xaalada Soomaaliya.

"Kasoo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya iyo soo rogaal-celinta Al-Qaacida ee Afghanistan, Al-Shabaab waxay dhab ahaantii arrintaas u tahay cashar," ayuu tibaaxay.

Wuxuu ku daray: "Wali waxay halis ku yihiin danaha Mareykanka ee dibada iyo gudaha. Nasiib darro, sanado aan taageereynay ciidamada Soomaaliya, wali dalkooda uma aysan horseedin xasilooni iyo nabad waarta".

Soomaaliya ayaa waxaa haatan taagan isgoys masiir ah kaasoo hogaanka looga baahan yahay in ay muujiyaan cab-qarinimo iyo in ay danta qaranka ka horumariyaan wax kasta taasoo haddii la waayo dad badan aaminsan yihiin in ay keeni karto burbur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM