Jubaland: dad loo soo qab-qabtey dilka taliyihii suuliga lagu qarxiyey

Image

June 27, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban qof oo dumar ku jiraan ayaa loo xirxiray dilka taliyihii guutada koowaad ciidamada Jubaland ee aagga Buulo-guduud, Mursal Geedi, oo shalay qarax lagu diley.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino nooca meesha fog laga hago ah, waxaa lagu qariyey suuli, wuxuuna dhacay waxyar kadib markii Taliyihe Geedi suuliga galay.

Dadka lasoo qabqabtey oo xilligan su'aalo la weydiinayo waxaa lagu tuhmayaa inay fududeeyeen waxna ka ogaayeen qaabkii bamka lagu geliyey suuliga.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa sarkaalkaas lagu aasay isla deegaanka Buulo-guduud, waxaana mas'uuliyadda dilka sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM