Jubaland iyo AFRICOM oo ka shiray "la dirirka argagixisadda"

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta wuxuu Kismaayo kula kulmay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend kaasoo "soo booqdey" Jubaland.

Labada dhinac ayaa iska xog-wareystay "sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka iyo sidii Maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed".

Madaxtooyada Jubaland oo soo saartay war-saxaafadeed ayaa daaha ka rogtay fahfaahin ku saabsan wadahadalada ay dhinacyadda ku yeesheen xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedkaas.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo sidii Maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed".

Bishaan May 4-teeda ayay ahayd markii sidaan oo kale uu Axmed Madoobe uu Kismaayo ku qaabilay saraakiil ka tirsan taliska Mareykanka ee Afrika kuwaasoo ka howlgala degaanadda maamulka Jubaland.

"Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo xilligaas kasoo baxay Madaxtooyadda Jubaland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada".

Mareykanka oo qeyb kamid ah ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya una guuray wadamada deriska ah ee Kenya iyo Jabuuti ayaa kamid ah xulafada muhiimka u ah la dagaalanka ururadda Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM