Jubaland: Musharaxiinta Aqalka Sarre oo lasoo bandhigay

Image

KISMAAYO, Jubaland - Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa Kismaayo kusoo bandhigay liiska musharaxiinta u taagan kamid noqoshada Aqalka Sare ee xeer-dejinta federaalka.

Maamulkan wuxuu Senate-ka Soomaaliya ku leeyahay 8 xubnood oo kamid ah 54-ka kursi ee golahan oo dastuuriyan metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah federaalka.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa, sida madaxda ku heshiisay, gudbiyey xubnahan uu shaaciyey guddiga kuwaasoo wadartoodu tahay 9 ayna kaliya haween ka tahay mid qura.

Xubnaha Axmed Madoobe gudbiyey ayaa waxay kala yihiin; Cabdullaahi Sheekh Cali Fartaag waxaa la tartamaya Axmed Maxamed Jaamac, Xaliima Jaamac Maxamed waxaa la tartamaya Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan; Ilyaas Badal Gaboose waxaa la tartamaya Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, halka Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftiin Xasan Iimaan ay hal kursi ku hardamayaan.

Maadaama kaliya hadda la shaaciyey musharaxiinta afar kursi oo kamid ah kuraasta Jubaland ku leedahay Senate-ka, waxaa u harsan afar kale kuwaasoo la filayo in dhowaan lasoo bandhigo.

No photo description available.

Dhanka kale, Jadwalka doorashadda xubnaha Jubaland ku metelaya Aqalka Sare ee federaalka Somaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay isla guddigan.

Jadwalkaas uu Garowe Online arkay ayaa wuxuu muujinayaa in araajada laga qabanayo 28-da Julaayo ayna la hadlayaan baarlamaanka maalinta xigta 29-ka July ee isla sanadkan 2021.

Sikastaba ha ahaatee, maamulkan uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu noqonayaa dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee shaaciya liiska musharaxiinta oo horey loogu balansanaa 25-ka July, 2021.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM