Jubaland oo baaq kasoo saartay dibad-baxa Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubaland – Banaanbaxa ay Jimcada qabanayaan Midowga Musharaxiinta "waa mid mudan in lasoo dhaweeyo balse waa in laga fogaadaa wax kasta oo keeni kara gacan-ka-hadal," sidda ay ku baaqdey Jubaland oo caddeysay aragtideeda isu-soo-baxaas.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, ayaa ku nuux-nuux-saday in dastuurka ku meelgaarka ah ee dalku leeyahay uu qeexayo muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu abaabulo ama ka qeybgalo mudaaharaad nabdoon meel kasta oo dalka kamid ah.

"Dowladda federaalka waa in ay dulqaad muujisaa dhageysataana dhawaqa ka qeybgaleyaasha banaanbaxa," ayuu ku daray.

Jubaland ayaa noqoneysa maamul goboleedkii ugu horeeyay ee waddanka oo soo bandhiga mowqifkiisa mudaaharaadka oo qorshuhu yahay in ay kasoo muuqdaan xubnaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda isla markaana qorshuhu yahay in ay Daljirka Daahsoon dadka kula hadlaan.

Mawduuca dibadbaxa ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu yahay in madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga dalbado in uu xukunka ku wareejiyo si nabad ah isla markaana dalka u dareeriyo doorashooyin daahfuran oo loo-dhan-yahay.

Farmaajo ayay uga digeen in uu isku dayo carqaladeynta banaanbaxa isla markaana uu mas'uuliyadeeda qaadayo dhibaato kasta oo ka qeybgaleyaasha kasoo gaara ficil ay ciidamaddu sameeyaan.

Muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha wuxuu dhamaadey 8-dii Febraayo iyadda oo uusan caddeyn qaabka waddanka uga baxayo mar-xalada kala guurka taas oo xoojisay hubanti la'aanta xil-isku-wareejin ku dhacda si nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM