Jubaland oo baaq kasoo saartey kiiska askarta la geeyay Tigray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamul goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah wuxuu u soo bandhigay mowqifkiisa ku aadan askarta Soomaaliyeed ee laga dagaalgeliyey gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray.

Mursal Khaliif, oo ah wasiirka qorsheynta Jubaland oo xalay ka qeybgalay dood lagu qabtay barta Twitter-ka ee Garowe Online, ayaa cod dheer wuxuu ku taliyey in qadiyadan la geeyo maxkamad caalami ah.

"Qof kasta oo mas'uul ka ahaa in askarta loo daabulo Tigray waa in uu cadaaladda ku wajahaan maxkamad caalami ah maadaama uu yahay kiis caalami ah," ayuu yir Mursal inti ay doodu socotay.

Baaqa Jubaland ayaa kusoo hagaagaya xilli shalay ay Qaramada Midoobay xaqiijisay in askar Soomaali ah oo tababar loogu qaadey Eritrea loo daabulay Tigray markii dagaalka uu qarxay bishii November, 2020.

Warbixin uu diyaariyey guddiga xuquuqda aadanaha Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu sheegay askarta Soomaalida ah lagu arkay tuulada Aksum oo kamid ah goobaha ay dagaalada ugu xoogan ka dhaceen.

Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka ku jira warbixinta UN-ka wallow ay horey u beenisay ayna xaqiijisay in ciidamadda ay qaab qarsoodi ah tababar ugu dirtay dalka Eritrea.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa la rumeysan in ugu yaraan laba uu askarta ku booqdey Eritrea - oo kamid ah dalalka uu sida weyn ugu dhowaadey afartii sano ee u dambeysay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM