Jubaland oo "dalka ka saartey" hubanti la'aantii doorashadda

Image

KISMAAYO, Jubaland - Doorashadii maanta ka dhacdey Kismaayo waxay ka dhigan tahay in dalku ka baxay hubanti la'aantii dhanka doorashada, sida uu shaaciyey madaxwayne Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa "guul taarikhi ah" ku tilmaamay in Jubaland ay noqotay maamulkii ugu horeeyay ee degaankiisa ka bilaaba coddeynta.

"Alle weyne ayaa mahad leh," ayuu ku bilaabay. "Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray".

Wuxuu intaas u daray: "Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto".

"Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan," ayuu ka dhawaajiyey.

Hogaamiyaha ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka".

Afar kamid ah sideeda xubnood ee Jubaland ku leedahay Aqalka Sare ayaa la xushay iyadda oo laba kamid ah ay kursiga ugu fadhiyeen 4-tii sano ee lasoo dhaafay, labadana way ku cusub yihiin Senate-ka dalka.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM