Jubaland oo dishay xubno iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dagaalameyaal 20 gaaraya iyo laba sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka Galbeed ee Kismaayo.

Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamadda, Khiyaar Cabdi Maxamed, ayaa tilmaamay in gulufka uu ka dhacay degaanka Cabdalla Biroole oo 55 KM u jirta caasimadda ku meel gaarka ah.

Saraakiisha la khaarijiyey oo lagu kala magacaabo Tasmiir iyo Cadaani ayaa kala ahaa; madaxii Al-Shabaab ee deeganada Galbeed ee xarunta gobolka Jubadda Hoose iyo madaxii Miinooyinka.

"Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa hadda gacanta ku haya isla markaana xaqiijiyay amaanka Tuulooyinka hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole," ayuu u sheegay Jubbaland Tv.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka tooska ah la leh shabakadda balaaran ee argagixisadda ah, Al-Qaacidda.

Goboladda Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay joogitaanka ugu badan ku leeyihiin horjoogeyaashan ururka oo Kismaayo laga xoreeyay sanadkii 2011-kii.

Howlgalada ka dhanka ah oo wali sii socda ayaa waxaa iska kaashanaya Mareykanka oo duqeyn dhanka cirka ah fuliya iyo xoogaga dowladda federaalka oo ay wehliyaan kuwa maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM