Jubaland oo fahfaahisay kulanka Axmed Madoobe iyo safiirka UK

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoyigiis magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn kadib kawada hadley xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka.

Sidoo kale madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysey ee gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM