Jubaland oo go'aan ka qaadatay khilaafka doorashada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

"Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay Xaalada Covid_19 ee guud ahaan dalka oo sare u kac uu ku yimid iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaal lagaga hortago in uu ku faafo deeganada Jubaland.

Gudiga kobcinta dakhliga ayaa soo soo bandhigay guulaha ilaa hada ay ka gaareen shaqada ay hayaan iyadoo isbadalo muuqda laga gaaray shaqooyinkii u danbeeyay ee ay qabteen.

Dhinaca kale golahu wuxuu meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka maalgashiga Jubaland
2. Xeerka shatiyada Jubaland
3. Xeerka Shirkadaha Jubaland

Meel marinta Sadexdan xeer kadib waxaa loo gudbin doona golaha Baarlamaanka iyagoo ka doodi doona isla markaana cod u qaadi doono kahor inta aan faafinta rasmiga ah lagu soo saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM

Axmed Madobe: Xamase Cabdi Barre waa Shaqaale aan lahayn go'aan qaadasho

Markii uu ka hadlayay dagaalladii dhawaan ka dhacay Raskamboni ee u dhexeeyay ciidanka Federalka iyo Ciidamada Jubaland, Axmed Madobe.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 11:59AM