Jubaland oo go'aan ka qaadatay khilaafka doorashada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

"Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay Xaalada Covid_19 ee guud ahaan dalka oo sare u kac uu ku yimid iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaal lagaga hortago in uu ku faafo deeganada Jubaland.

Gudiga kobcinta dakhliga ayaa soo soo bandhigay guulaha ilaa hada ay ka gaareen shaqada ay hayaan iyadoo isbadalo muuqda laga gaaray shaqooyinkii u danbeeyay ee ay qabteen.

Dhinaca kale golahu wuxuu meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka maalgashiga Jubaland
2. Xeerka shatiyada Jubaland
3. Xeerka Shirkadaha Jubaland

Meel marinta Sadexdan xeer kadib waxaa loo gudbin doona golaha Baarlamaanka iyagoo ka doodi doona isla markaana cod u qaadi doono kahor inta aan faafinta rasmiga ah lagu soo saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM