Jubaland oo ka digtey mooshinka loo gudbiyey Barlamaanka Somalia

Image

May 24, 2015 (GO)- Jubaland ayaa ka digtey mooshinka ka dhanka ah baarnlamaanka Jubaland ee loo gudbiyey baarlammaanka Soomaaliya. War-saxaafaeed kasoo baxay xafiiska af-hayeenka Jubaland ayaa lagu sheegay in mooshinkaasi caqabad ku noqon doono hirgelinta nidaamka federaalka iyo weliba xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

War-saxaafadeedka waxa sidoo kale ku xusan in Dowladda Federaalku qaadi doonto mas'uuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata mooshinkaas oo lagu tilmaamey inuu yahay mid sharci darro ah.

Shalay oo Sabti ahayd ayaa qorshuhu ahaa in mooshinka cod loo qaado, balse dib aya loo dhigey kadib markii kooramku buuxsami waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM