Jubaland oo ka digtey mooshinka loo gudbiyey Barlamaanka Somalia

Image

May 24, 2015 (GO)- Jubaland ayaa ka digtey mooshinka ka dhanka ah baarnlamaanka Jubaland ee loo gudbiyey baarlammaanka Soomaaliya. War-saxaafaeed kasoo baxay xafiiska af-hayeenka Jubaland ayaa lagu sheegay in mooshinkaasi caqabad ku noqon doono hirgelinta nidaamka federaalka iyo weliba xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

War-saxaafadeedka waxa sidoo kale ku xusan in Dowladda Federaalku qaadi doonto mas'uuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata mooshinkaas oo lagu tilmaamey inuu yahay mid sharci darro ah.

Shalay oo Sabti ahayd ayaa qorshuhu ahaa in mooshinka cod loo qaado, balse dib aya loo dhigey kadib markii kooramku buuxsami waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM