Jubaland oo ka hadashay dagaalka Beledxaawo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamulka Jubaland ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in uu gacanta ku hayo magaaladda Beledxaawo kadib dagaal ay halkaas kula galeen ciidamadda dowladda federaalka ay halkaas ku daabushay.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa tilmaamay in ciidamadooda ku sugan nawaaxiga xadka Soomaaliya iyo Kenya la weeraray.

Sidda laga soo xigtay Aadan, ciidamadda Jubaland oo uu horkacayo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan, waxaa weerar ku qaadey "askarta aan jabhada u aqoonsanahay ee Villa Soomaaliya iyo NISA abaabuleen".

Ciidamadooda oo uu ka gaabsadey in uu kala caddeeyo hadii ay ku go'doonsan yihiin dabaqyo ku yaala magaaladda ayuu hoosta ka xariiqay in ay iska-caabiyeen "weerarka kaga yimid askarta dowladda federaalka".

Mar wax laga waydiiyey khasaaraha ka dhashay ayuu sidoo kale ka gaabsaday, wallow uu nasiib darro ku qeexay dagaalka qarxay isla markaana Villa Soomaaliya uu ku eedeeyay cawaaqib kasta oo ka dhashay iska-hor-imaadka.

"Saraakiisha ciidamadda oo aan tobban daqiiqo kahor la hadlay sidda Jeneraal Cabaas waxay ii sheegeen in ay joogaan goobo ay kamid tahay saldhiga magaaladda laakiin magaaladda waa mid weyn qeybo kamid ah ayaa laga maqlayaa rasaasta," ayuu hadalkiisa ku daray Maxamuud.

Xilli uu si aan toos ahayn uga dhawaajiyey in uu jiri karo khasaaro labada dhinac ah, Isgaarsiinta magaaladda ayuu ka shanqariyey in ay wali shaqeyneyso.

Isaga oo u jawaabaya dowladda federaalka oo askarta Jubaland ee Beledxaawo qabsadey ku tilmaamtay "jabhad ay soo hubeysay Kenya," madaxweyne ku xigeenka ayaa wararkaas ku sifeeyay kuwa aan sal iyo baar lahayn.

"Ilaahey bay ka furteen kuwa sidaas u hadlaya," ayuu carabka ku dhuftay Maxamuud Sayid Aadan oo ku adkeystay in ay dib ka fahfaahin doonan khasaaraha guud ahaan ee ka dhashay dagaalka qarxay xalay.

Bishii Maaj ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii sidaan oo kale uu dagaal ka dhacay degmadda Beledxaawo. Iska-hor-imaadkaas wuxuu sababay in ciidanka dowladda qabsadaan, arrintaas oo Jubaland ay cambaareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM