Jubaland oo ka hadashay kiiska bada Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Jubaland ayaa Talaadada maanta ah waxay shaaca ka dhigtey in ay si weyn u taageereyso dacwadda badda Soomaaliya iyo Jubaland.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooaydda, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa rajeynaya in Soomaaliya ay labinta ku hesho gal-dacwadeedkas.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa sheegay in Xukuumada iyo Shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin sidookalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshaynayo badeena ay muranka galisay Kenya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka".

"Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira," ayay ku dareen.

Waxaa lagu soo xiray: "Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah".

Dhawaqa Jubaland oo noqonaya markii ugu horeysay oo ay ka hadasho kiiskan ayaa imaanaya xilli ICJ ay maalintii labaad ka soconeyso dhageysiga kiiskan kaasoo Kenya ay qaadacdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM