Jubaland oo ka hadashay qarax lagu dilay Xildhibaan
KISMAAYO, Jubaland – Ugu yaraan hal qof oo Xildhibaan ah ayaa ku geeriyooday kadib markii baabuurkiisa qarax loogu xiray gudaha magaalada Kismaayo shalay o Jimce ahayd, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo kala duwan.
Marxuum Khaliif Haashim Nuur, oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa ku dhintay isla goobta gaarigu kula qarxay. Kahor qaraxa, wuxuu kasoo baxay hoyga uu degan yahay.
Korneyl Maxamed Naasir, taliyaha gobolka Jubbada Hoose, ayaa falkaas wuxuu ku eedeeyay maleyshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.
"[Weerarkan] wuxuu kamid yahay dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ah ku hayaan shacabka, laakiin waxaan rajeynaynaa in aan maalin un xididkooda siibi doono," ayuu u sheegay Laanta Af Soomaaliga VOA.
Weerarkan ayaa dhacay ayadda oo maalmihii lasoo dhaafay ay Kismaayo ka dhacayeen howlgalo lagu sugayo amniga ayna wadaan ciidamadda.
Madaxtooyadda Jubaland ayaa qoraal ay soo dhigtay ciwaanadeeda Baraha Bulshadda waxay ku sheegtay in madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu murugada la wadaagayo qoyska uu ka baxay marxuumka.
"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax ay gaarigiisa ku qarxiyeen Kooxda Argagixisada Al-Shabaab," ayay daabacdey.
Qoraalka ayaa lagu daray; "Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay".
Maxamed Coljoog, oo Xildhibaanka geeriyooday ay isla tirsanaayeen Golaha Wakiilada Jubaland, ayaa ammaanay shaqsiyadda marxuumka, wuxuuna ku sifeeyay in uu ahaa "qof dabeecad iyo wanaag badan lahaa".
"Illaahey u naxariistee, marxumka wuxuu ka tegay caruur iyo xaas kaligii ayaana geeriyooday," ayuu Col-u-joog u sheegay VOA Soomaali.
Qarax lagu xiro baabuurta ee loo garan-og-yahay dhejiska ayay Al-Shabaab ku beegsataa mas'uuliyiinta gaarka ah. Sanadkii hore ayay ahayd markii is-miidaamin lagu dilay Shaafi Raabi Kaahin, gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland.
GAROWE ONLINE