Jubaland oo ka warbixisay booqashada Rooble ee Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaala madaxda ku meelgaarka u ah Jubaland ee Kismaayo.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Madaxtooyada Jubaland oo qoraal kooban soo saartey ayaa fahfaahin kooban waxay ka bixisay ujeedka socdaalka Rooble.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble," ayay tiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey "Madaxweyne ku xigeenalada, Xubnaha golaha Wasiirada, xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa Ka qeybgalay soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta iyo bulshada Jubaland," ayaa lagu soo xiray.

Safarkan ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo in ay shaqo bilaabaan guddiga heerka wasiir loo saarey dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo taas oo qeyb ka ahayd heshiiska doorashada 27-dii May, sanadkan 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM