Jubaland oo ka warbixisay booqashada Rooble ee Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaala madaxda ku meelgaarka u ah Jubaland ee Kismaayo.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Madaxtooyada Jubaland oo qoraal kooban soo saartey ayaa fahfaahin kooban waxay ka bixisay ujeedka socdaalka Rooble.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble," ayay tiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey "Madaxweyne ku xigeenalada, Xubnaha golaha Wasiirada, xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa Ka qeybgalay soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta iyo bulshada Jubaland," ayaa lagu soo xiray.

Safarkan ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo in ay shaqo bilaabaan guddiga heerka wasiir loo saarey dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo taas oo qeyb ka ahayd heshiiska doorashada 27-dii May, sanadkan 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM