Jubaland oo muddo u qabatay ciidanka DF geysay Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamadda dowladda federaalka ee waqtigeedu dhamaadey ku daad-gureysay gobolka Gedo waa in lagu saaraa muddo 60 casho ah si Jubaland ay doorasho u qabato, sidda uu sheegay wasiirka warfaafinta maamulkaas, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed.

Mr Maxamed oo ku nuux-nuux-saday in muhiim u arkaan in dowladda ay gacantooda kusoo wareejiso gobolka oo dhan ayaan soo bandhigin talaabadda ay qaadi doonan hadii aysan dib u hanan gobolka.

"Annagu waxaan taagan nahay illaa Gedo oo dhameystiran aan lasoo celinin wax doorasho ah oo ay Jubaland galeyso ma jirto," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Haddaan idiin sheegayaa waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Jubbaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto".

Dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa ciidankaas ku daabushay gobolka Gedo arrintaas oo caqabad ku noqoto in Jubaland ay sidda dowlad goboleedydda u maamusho doorashooyinka xulista xubnaha baarlamaanka.

Qadiyaddan ayaa xudun u ahayd burburka ku yimid wadaxaajoodyadii Dhuusamareeb 4 markii Farmaajo uu tanaasul balaaran ka sameyn waayey isla markaana uu diidey qodobada lasoo jeediyey in lagu xaliyo kuna jirto in maamulka degaan doorashada lagu wareejiyo Jubaland.

Farmaajo oo ah musharax doonaya in uu afar sano kale baaqi kusii ahaado Villa Soomaaliya ayaa la fahansan yahay in uu ugu degan yahay gacan-ku-haynta gobolka Gedo si u soo saaro XIldhibaanada halkaas kaoso gelaya baarlamaanka federaalka ah kuwaas oo ka badan tobban xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM