Jubaland oo qaadacdey shirka uu ku dhawaaqay Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jubaland ayaa caddeysay in aysan ka qeybgaleyn shirka ay Villa Soomaaliya 4-ta Maarso uu u muddeeyay in uu Muqdisho ku dhexmaro dowladda federaalka ah iyo maamuladda.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa taageeray baaqa Talaadada maanta ah kasoo baxay Musharaxiinta ah ee ahaa in fursad la siiyo wadahadalka ay kula jiraan xukuumadda waqtiga ka dhamaadey.

Wadaxaajoodyaddaas soo bilowday todobaadkii lasoo dhaafay waxaa looga heshiiyey dhacdooyinkii 19-kii Febraayo iyo mudaaharaad ay Midowga Musharaxiinta ku qabtaan magaaladda Muqdisho.

Axmed Madoobe oo Talaadada maanta ah qoraal soo saarey ayaa xusay in muhiim ay tahay in wadahadaladda ku saleysan yihiin heshiiskii 17-kii September kana dhaco "meel amnigeeda lagu kalsoon yahay".

"Dowlad Jubaland waxay dhiiri-gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep, 17," ayuu kusoo qoray ciwaankiisa barta Twitter-ka.

Musharaxiinta ayaa shirka uu Farmaajo iclaamiyey 4-ta Maaj waxay ku qeexeen "isku day si ola kac ah loogu carqaladeynayo dedaaladda uu bilaabay Rooble" iyaga oo ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo iska difaacdey eedeymaha ku saabsan in shirkaas uu Farmaajo ku hagal-daacinayo wadahadalka xukuumada iyo mucaaradka ayaa ku adkeysatay qabsoomida kulanka.

Villa Soomaaliya ayaa xustey in kulankaas uu yahay mid ku kooban hal maalin isla markaana lagu saxiixi doono soojeedintii guddiga farsamadda ee ku shiray caasimadda KMG Koonfur Galbeed Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM