Jubaland oo shan qodob kasoo saartey khilaafka doorashada

Image

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland oo soo saartey war-saxaafadeed luuqad adag ku qoran ayaa ku baaqdey shan qodob oo ku saabsan mar-xaladda kala guurka ah ee waddanka ku sugan yahay haatan.

Qodobada Jubaland ay ku talisay ayaa kala ah;

- In dowladda federaalka garawshiyo iyo raaligelin ka bixiso weerarkii Hotel Maa'ida iyo Banaanbaxayaasha

- In la isugu yimaado shir ay ka qeybgalaan dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka

- In goobta uu ku qabsoomayo shirka ay ammaankeeda noqoto mid la isku haleyn karo mas'uuliyadeeduna qaado Beesha Caalamka

- In la helo damaanad-qaad ku saabsan fulinta natiijada shirkaas

- In madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan door ku yeelan hanaanka doorahsooyinka si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadda

Baaqa Jubaland ayaa imaanaya saacado kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay Jubaland iyo Puntland ku eedeysay in ay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September, 2020-kii.

Balse war-saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin fulinta marka la xaliyo cabashooyinka taagan.

Tabashooyinka ayaa ka jira saddex qodob oo kala ah; arrinta gobolka Gedo ee Villa Soomaaliya ay ciidamadda ku daabushay, qaabka loo qabanayo xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa duray xubnaha qaar ee kamidka ah guddiyadda doorashooyinka kuwaas oo ay xuseen in ay u jaranjeeraan Farmaajo isla markaana aysan qaban karin doorashooyin daahfuran.

Inkasta oo xukuumadda federaalka ay shaacisay in ay ogoshay in guddiyadda laga saaro xubnahaas, haddana illaa haatan wuxuu mucaaradku sheegayaan in aysan talaabo loo qaadey dhankaas.

Muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah sidda Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ayaa dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021, mana jiro heshiis mideysan oo laga gaarey qabsoomida coddeynta soo aadan.

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM