Jubaland oo shan qodob kasoo saartey khilaafka doorashada

Image

KISMAAYO, Jubaland - Jubaland oo soo saartey war-saxaafadeed luuqad adag ku qoran ayaa ku baaqdey shan qodob oo ku saabsan mar-xaladda kala guurka ah ee waddanka ku sugan yahay haatan.

Qodobada Jubaland ay ku talisay ayaa kala ah;

- In dowladda federaalka garawshiyo iyo raaligelin ka bixiso weerarkii Hotel Maa'ida iyo Banaanbaxayaasha

- In la isugu yimaado shir ay ka qeybgalaan dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka

- In goobta uu ku qabsoomayo shirka ay ammaankeeda noqoto mid la isku haleyn karo mas'uuliyadeeduna qaado Beesha Caalamka

- In la helo damaanad-qaad ku saabsan fulinta natiijada shirkaas

- In madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan door ku yeelan hanaanka doorahsooyinka si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadda

Baaqa Jubaland ayaa imaanaya saacado kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay Jubaland iyo Puntland ku eedeysay in ay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September, 2020-kii.

Balse war-saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin fulinta marka la xaliyo cabashooyinka taagan.

Tabashooyinka ayaa ka jira saddex qodob oo kala ah; arrinta gobolka Gedo ee Villa Soomaaliya ay ciidamadda ku daabushay, qaabka loo qabanayo xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa duray xubnaha qaar ee kamidka ah guddiyadda doorashooyinka kuwaas oo ay xuseen in ay u jaranjeeraan Farmaajo isla markaana aysan qaban karin doorashooyin daahfuran.

Inkasta oo xukuumadda federaalka ay shaacisay in ay ogoshay in guddiyadda laga saaro xubnahaas, haddana illaa haatan wuxuu mucaaradku sheegayaan in aysan talaabo loo qaadey dhankaas.

Muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah sidda Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ayaa dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021, mana jiro heshiis mideysan oo laga gaarey qabsoomida coddeynta soo aadan.

Hoos ka akhriso qoraalka Jubaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM

Qorshaha Ciidamada Masar kusoo galayaan Soomaaliya oo la diyaariyay

Masar waxay si dhow ula shaqeyneysaa Midowga Afrika iyo Ururka Carabta arrimaha amniga iyo xasiloonida.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 07:29AM