Jubaland oo shuruud ku xirtay ka qeybgalka shirka doorashada

Image

KISMAAYO, Jubaland - Maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa shaaca ka dhigay shuruud kale oo ay kaga qeybgalayaan shirka looga arrin-sanayo khilaafka doorashada.

Cabdi Xuseen, wasiirka warfaafinta dowlad goboleedkan xaruntiisa ku meelgaarka ah ay tahay magaalada dekadda leh ee Kismaayo ayaa ka dhawaajiyey in mowqifka rasmiga ah ee maamulkaas.

Xuseen oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ku nuux-nuux-saday in Jubaland ay kaliya kasoo muuqan doonta shirkaas marka ammaanka qaranka si rasmi ah loogu wareejiyay ra'iisul wasaaraha.

"Kama qeybgeli doono shir kasta oo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka illaa ammaanka qaranka lagu wareejiyay ra'iisul wasaaraha [xukuumadda xilgaarsiinta," ayuu Xuseen hoosta ka xariiqay.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli shalay uu Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu meelmariyey in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September laalayna muddo kororsiga.

Ansixintaas ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo oo hortagay Aqalka Hoose uu shaaciyey in uu mas'uuliyadda geedi-socodka doorashada iyo ammaankeeda ku wareejiyay Rooble.

Rooble oo xalay kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyey xafiiskiisa wuxuu kaga dhawaajiyey in lagu wareejiyay amniga qaranka isla markaana ay ka go'an tahay qabashadda doorashooyin daahfuran waliba si degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM