Jubaland oo shuruud ku xirtay ka qeybgalka shirka doorashada

Image

KISMAAYO, Jubaland - Maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa shaaca ka dhigay shuruud kale oo ay kaga qeybgalayaan shirka looga arrin-sanayo khilaafka doorashada.

Cabdi Xuseen, wasiirka warfaafinta dowlad goboleedkan xaruntiisa ku meelgaarka ah ay tahay magaalada dekadda leh ee Kismaayo ayaa ka dhawaajiyey in mowqifka rasmiga ah ee maamulkaas.

Xuseen oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ku nuux-nuux-saday in Jubaland ay kaliya kasoo muuqan doonta shirkaas marka ammaanka qaranka si rasmi ah loogu wareejiyay ra'iisul wasaaraha.

"Kama qeybgeli doono shir kasta oo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka illaa ammaanka qaranka lagu wareejiyay ra'iisul wasaaraha [xukuumadda xilgaarsiinta," ayuu Xuseen hoosta ka xariiqay.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli shalay uu Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu meelmariyey in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September laalayna muddo kororsiga.

Ansixintaas ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo oo hortagay Aqalka Hoose uu shaaciyey in uu mas'uuliyadda geedi-socodka doorashada iyo ammaankeeda ku wareejiyay Rooble.

Rooble oo xalay kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyey xafiiskiisa wuxuu kaga dhawaajiyey in lagu wareejiyay amniga qaranka isla markaana ay ka go'an tahay qabashadda doorashooyin daahfuran waliba si degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM