Jubaland oo si kulul uga hadashay xaaladda Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubaland - Maamulka Jubaland oo qoraal adag kasoo saarey dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ayaa eedeymo kala dul-dhacay dowlada federaalka ee waqtiga ka dhamaadey.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu cambaareeyay talaabada ay ciidamada loogu adeegsaday shacabka banaanbaxayey.

Sidda ku xusan bayaanka, Jubaland ayaa "nasiib darro" weyn waxay u aragtaa in ciidamadii loogu talagalay in ay la dagaalamaan Al-Shabaab iyo "cadowga lagu waxyeeleeyo dad shacab ah".

"Awood sheegashadan aanan waafaqsaneyn dastuurka ee la isticmaalay xalay iyo saaka waxay xagal daacineysaa dedaaladii loogu jiray in xal laga gaadho xasaradaha siyaasadeed ee dalka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubaland ayaa xustey in weerarkii dowladda ku qaadey Hotel Maa'ida iyo banaanbaxayaasha ay horkacayeen ay lamid tahay "falalka gurracan oo ay ka sameysay gobolka Gedo".

"Dowladda Jubaland waxay ugu baaqeysaa mas'uuliyiinta dalka in ay ilaaliyaan xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed isla markaana ka fogaadaan falalkaas foosha xun," ayay xustey.

Ugu dambeyntii, Jubaland ayaa ku baaqdey in si deg-deg ah xal siyaasadeed looga gaaro mar-xaladda uu waddanka ku jiro haatan iyo kala aragti duwanaanta ka jirta dhanka doorashooyinka 2020-21.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM