Jubaland oo toogatay nin gabar uu adeer u ahaa kufsadey

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlada Jubaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay degmada Dhoobley ee gobolka Gedo ay ku toogatay Xuseen Aadan Cali, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta degaanka.

Cali ayaa waxaa xukunka dilka toogashada ku fuliyey cutubyo ka tirsan ciidamadda gaarka ah ee Jubaland, waxaana goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda xukuntay iyo mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Sidda ay tilmaameen saraakiisha, Cali oo askarta ay gacanta kusoo dhigeen markii uu baxsadey ayaa waxaa "lagu helay" in uu fal kufsi ah kula kacay Gacalo Ismaaciil Cabdullaahi, oo ah gabar 3-sano jir ah.

Gacalo ayaa, sida ay sheegeen xubno qoyskeeda  ah oo sababo ku aadan in ay amnigooda u baqayaan uga gaabsadey magacooda, waxay kalkii dambe u geeriyootay dhaawac kasoo gaarey falkaas faroxumeynta ah.

"Gabadha wuxuu ahaa adeerkeeda wuxuuna qabay hooyadeed. Walaahi illaa haatan waa wax lala yaaban yahay sababta ku kaliftey in uu faroxumeeyo gabar uu hooyadeed qabay," ayuu yiri xubin qoyska ah.

Soomaaliya ayaa safka hore waxay kaga jirtaa wadamadda tacadiyada dhanka jinsiga ah loogu geysto haweenka gaar ahaan gabdhaha. Dowladda waxaa lagu dhaleeceeyay in ay ka gaabisay latacaalida masiibadan.

Sida ku xusan warbixin April, 2021 uu daabacay xafiiska Qaraada Midoobay ee Soomaaliya, 400 kiis oo la xiriira tacadiyo jinsi ah ayaa ka dhacay Soomaaliya sanadkii hore kuwaas oo 9 kamid ah degaanada Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM