Jubaland oo u hanjabtay "cidii ka dambeysay" dhacdadii Ceelwaaq
KISMAAYO, Jubaland - Maamulka Jubaland ayaa shaaciyey in uu la xisaabtami doono cid walba oo ay ku cadaato in uu ku lug lahaa dhacdadii shacabka lagu laayey ee duleedka magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Cabdirashiid Janan, wasiirka ammaanka dowlad goboleedka oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa daaha ka rogay in guddiga uu hogaaminayo loo xil-saarey in ay soo hudbiyaan jiritaanka dhacdadaas.
"Waxaan hadda ka aragnay baraha bulshada laguna wargeliyey waa meyd lasoo dhigay Ceelwaaq, waxaana hubineynaa hadii ay jiraan waxa la sheegayo," ayuu yiri, isagoo ka fogaanaya in uu cid gaar ah eedeeyo.
Mr Janan oo soo bandhigay nuqul kamid ah warbixinada ay helayaan ayaa carabka ku adkeeyay in uu madmadow uga jiro in dadka la sheegay in la khaarijiyey ay rayid ahaa.
Xilli uu xusay in xogta ay helayaan muujineyso in dilka dadkaas uu ka dambeeyay markii la qarxiyey ciidamo Kenyan ah, wasiir Janan ayaa qiray in ciidanka mar walba oo la weeraro ay rasaas furaan.
Isagoo carabka ku dhuftay "in aysan sax ahayn" in ciidamadu beegsadaan dadka ka akdhow goobta lagu beegsaday, haddana wuxuu ku adkeystay dhacdadaas ay qaabkaas ku imaan karo.
"Hadii aan xaqiijino wixii dhibka gaarey in ay shacab ahaayeen waxaan talaabo aan kula xisaabtameyno ka qaadi doonaa cidii dhibka geysatay waana sidda ay ku daaboobayaan shacabkayaga," ayuu tilmaamay.
Dhacdadaan ayaa todobaadkii hore waxaa laga soo wariyey degaanka Yaddo oo qiyaastii 20 KM u jira Ceelwaaq Soomaaliya. Kadib falkaas, isu soo baxyo ayaa gilgilay magaalada xilli ay Beledxaawo ku dirireen ciidamo.
Xildhibaan Golaha Shacabka, Cabdi Cali, iyo Senator Mowliid Guhaad, ku xigeenka labaad ee afhayeenka Aqalka Sare, ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya in ay "xasuuqeen dadkaas"; kuna baaqay in lala xisaabtamo.
Tacadiyada ka dhanka ah dadka shacabka ah ee dusha loo saarinayo ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda Soomaaliya ayaa ah kuwa soo badanayey sanadihii ugu dambeeyay, iyaddoo aysan jirin dowlad wax ka qabatay.
GAROWE ONLINE