Jubaland: Saraakiil iyo askar ku nafweyday weerar jidgal ah

Image

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan 10 xubnood oo isugu jira askar iyo saraakiil ka trsan ciidamadda Jubaland ayaa waxaa lagu waramay in ay ku dhinteen miino saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay gobolka Jubada Hoose.

Sida ay muujinayaan warbixinada, weerarkan jidgalka ah oo mas'uuliyadiisa ay si rasmi ah dusha u saaratay maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Afmadow iyo Qooqaani.

Ciidamadda la qarxiyey oo sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen dhowr askar loolana cararay xarumaha caafimaadka ee ku dhow ayaa la tilmaamay in ay howlgal roondo ah ka wadeen degaanadaas.

Al-Shabaab oo tafaasiil kooban kasoo saartay weerarkaas ayaa guulo ka sheegtay qaraxa, waxaana ay daaha ka rogtay in ay "ku dishay askar badan iyo saraakiil" wallow aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya warkaas.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaas oo illaa haatan kasoo baxay dhanka taliska ciidamada Jubaland oo muddooyinkii dambe xoojiyey howlgalada lagu sugayo amniga maadaama dalka uu isu-diyaarinayo doorasho.

Ammaanka ayaa wuxuu yahay mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala hirgelinta heshiiska doorashooyinka ee Khamiista todobaadkii hore looga dhawaaqay magaala madaxda dalka Soomaaliay ee Muqdisho.

Tan iyo markii la shaaciyey heshiiskaas, kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday in ay ficilo liddi ku ah nabad-gelyada ka fuliso qaar kamida magaalooyinka doorashooyinka ka dhacayaan sida Muqdisho, Baydhabo iyo nawaaxiga Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM