Jubaland: Shirka 15-ka Feb waa in uu Muqdisho ka dhaco
KISMAAYO, Jubaland - Dowladda Jubaland ayaa soo dhaweysay shirka 15-ka Febraayo u muddeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo, balse waxay soo jeedisay in Muqdisho ku qabsoomo iyadda ay ka qeybgalayaan dhamaan saamileyda siyaasadda.
"Dowladda #Jubaland State of Somalia waxay soo dhaweyneysaa shirka wadatashiga ee la soo qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka Febraayo. Sikastaba, Dowlada Jubaland ayaa ku talineysa in kulanka lagu qabto magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galaan dhamaan daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya," ayaa lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Madaxtooyadda Jubaland.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu idlaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku dhawaaqay in shirkaas uu ku qabsoomo magaala madaxda Puntland ee Garowe si loo xaliyo khilaafka doorashooyinka.
Madaxtooyadda Puntland oo sheegtay in aan lagala tashan shirkaas ayaa waxay soo jeedisay in wadahadalada la balaariyo isla markaana uu ka dhaco magaala madaxda dalka ee Muqdisho.
"Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka," ayay tiri Puntland.
Illaa haatan, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan ka jawaabin mowqifka ay qaateen dowladaha Puntland iyo Jubaland kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda qorshaha Villa Soomaaliya ee qaabka loo dhameynayo is-faham-waaga ka taagan coddeynta heer federaal ee 2020-21.
Dhanka kale, afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa taageeray mowqifka ay qaateen dowladaha, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay in wadatashiga la balaariyo maadaama muddo xileedka hay'adaha dastuuriga ah sidda Madaxtooyadda uu dhamaadey.
GAROWE ONLINE