​Jubbada hoose: 5 qof oo dhintay iyo 20 kale Al Shabaab xirtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad dhexmaray mallayshiyaad katirsan Al Shabaab iyo dadka deegaanka kadib markii kooxdu gubtay baabuur shacab leeyihiin oo dhuxul u siday magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay 5 qof, waxaana ku dhaawacmay Afar kale oo ka mid ah garabyada dagallamay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa kuwaramay in khilaafka labada dhinac yimidi kadib markii mallayshiyada Shabaab ku wargalisay in baabuurtoodu aysan tagi karin magaalada Kismayo.

Warar madax bannaan oo aan ka helay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan gobolkaasi ayaa sheegaya in dagaalku salka ku hayo Zakawaat ay kooxdu damacday inay ka qaado dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa ururka Al Shabaab deegaanka Saakoow ku xir-xireen in kabadan 20 ruux kuwaasoo lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen dagaallo halkaasi ka dhacayay maalmihii u dambeeyay.

Xaaladda Saakoow ayaa dhawr maalin kacsanayd kadib markii lagu dhowr sarkaal oo ururka katirsan kadib markii halkaas dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda oo taageero ka helaya Maraykanka.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia, balse waxaa muddooyinkii dambe soo badanayay dagaallada u dhaxeeya shacabka iyo mallayshiyaadka Al Shabaab kuwaasoo ka dhashay is-faham waa dheex mara labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM