Jubbaland: Ciidamada Kenya waxay u muuqdaan kuwa dalkooda ku laabanaya

Image

BAARDHEERE, Jubbaland - Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa si lama filaan ah shalay uga baxay degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo, halkaasoo durbadiiba ay si buuxda uga wareegtay Al-Shabaab.

Lama ogga sababta keentay arrintaan, hasayeeshee, dadka degaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo ee hoostaga Jubbaland, Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo haatan ku sugan magaaladda Baardheere ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Kenya aanu lagu soo war-gelin.

"Ka bixitaanka ciidamada Kenya ee degaanka Faxfaxdhuun ma aysan noo soo sheegin…arrintaasi meesha ay salka ku hayso waxaan isku daynay in aan kala hadalno saraakiisha balse telafoonka kuma haleelin," ayuu yiri Maxamed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo talaabo noocaan ah ay ciidamada Kenya kaga baxaan magaalo iyaga oo aanan ku wargelin maamulka, waxaana ugu dambeysay Baardheere.

"Baardheere waxay ka guureen inagoo wada joogna magaaladda, mana aysan noosoo sheegin…hadana waxay sameyaa sidaasi oo kale meesha ay salka ku hayso ma garan karno," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Degaanka kaliya oo ay haatan ciidamada Kenya kaga sugan yihiin gobolka Gedo waa Buusaar, inkasta oo ay jirto baqdin ku aadan in ay faarujiyaan tuuladaasi, maadaama saan-saantooda ay muuqato.

"Ma xaqiijin karno hadii ay baaqi kusii ahaan karaa Buusaar ama ay ka tagayaan…balse dadka degaanka oo aan la hadlay waxay sheegeen in laga yaabo in ay ka baxaan halkaasi," ayuu gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha Soomaaliya soo galay 2011-kii iyaga oo aan qayb ka ahayn AMISOM balse dib kaga biiray taasoo timid markii ay kordheen weerarada ay Al-Shabaab ku fuliso dalkaasi.

"[In ay ka baxaan Faxfaxduun] waxaa nooga muuqata in ciidamada Kenya dib ugu laabanayaa degaanadii ay ka yimaadeen [oo ah dalkooda]," ayuu ku jawaabay Gudoomiyaha markii la su'aallay waxay kaga dhigan tahay.

Tani ayaa imaanaysa iyada oo madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamulada ay balan-qaadeen in mudo labo sano ah lagu diyaarinayo ciidamo la wareega goobaha ay baneeyaan kuwa shisheeye, taasoo ay muuqato in ay ku guuldareysteen.

"Su'aashaasi waxa looga baahan yahay in ay ka jawaabaan madaxda qaranka," ayuu ku war-geliyay Gudoomiyaha markii la waydiiyey su’aal arrintaasi ku xeeran isaga oo raaciyay "Goobihii ay ka baxeen Baardheere waa la buuxiyey, haatana amni daro ma jirto".

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa su'aal geliyay in madaxda dalka ay dhab ka tahay in la helo ciidan qaran oo kala wareegay mas'uuliyada amaanka kuwa ajnabiga ah.

"Ciidamada shisheeye saacad walba ayey bixi karan...ciidamo badan waanu heli karnaa, balse mas'uuliyadii mideyn lahaa ayaa mid qaran ah..inaga ka maamul ahaan waxaan diyaar unahay in aan kaalinteena qaadano," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM