Jubbaland iyo Italy oo kala saxiixdey heshiis lagu soo saarayo marakiib

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Iyadda oo lagu guda xili kala guur layskuna diyaarinayo doorasho, maamulka Jubbaland iyo dowladda Talyaaniga ayaa Arbacada maanta ah kala saxiixdey heshiis.

Heshiiskaasi ayaa wuxuu ku saabsan soo saaritaanka Maraakiib ku jirta gunta hoose ee dekadda weyn ee xarunta gobolka Jubadda Hoose si gaar ah goobta ay maraakiibtu kusoo xirtaan.

Shirkad laga leeyahay dalka Italy oo lagu magacaabo Alpha Logistics ayaa ku guuleystay masharuuc oo aduun lacageed oo badan balse aanan lasoo bandhigin.

Safiirka Talyaaniga, Carlo Campalina iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo goobjoog ka ahaa munaasabada saxiixa qandaraaska oo ka qabsoontey gudaha marsadda.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, in dibadda loosoo saaro maraakiibta ayaa waxay qaadan doonta muddo 72 casho ah - Laba bilood iyo laba iyo tobban maalin.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta saxiixno qandaraaskan oo soo socdey Shantii sano ee lasoo dhaafey," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hogaanka Jubbaland.

Maraakiibta lasoo saarayo oo kuwa dagaalka ah ayaa waxaa lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, iyadda oo lagu soo far-sameeyay dal weynaha Raashiya.

Talaabadan qalinka loogu duugay heshiiska ayaa imaaneysa xili bisha soo aadan ee Agoosto ay Jubbaland ka qabsoomeyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe iyo danjire Carlo Campalina oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxay kawada hadleen xaalada guud ee dalka si gaar ah amniga iyo siyaasadda.

"Arrimaha aynu kawada hadalnay waxayna ka ahayn isku aragti," ayuu daba dhigay Axmed Madoobe, oo aanan shaaciyeyna qodobadda, balse muujiyey in uu is-afgarad jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM