Jubbaland iyo Italy oo kala saxiixdey heshiis lagu soo saarayo marakiib

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Iyadda oo lagu guda xili kala guur layskuna diyaarinayo doorasho, maamulka Jubbaland iyo dowladda Talyaaniga ayaa Arbacada maanta ah kala saxiixdey heshiis.

Heshiiskaasi ayaa wuxuu ku saabsan soo saaritaanka Maraakiib ku jirta gunta hoose ee dekadda weyn ee xarunta gobolka Jubadda Hoose si gaar ah goobta ay maraakiibtu kusoo xirtaan.

Shirkad laga leeyahay dalka Italy oo lagu magacaabo Alpha Logistics ayaa ku guuleystay masharuuc oo aduun lacageed oo badan balse aanan lasoo bandhigin.

Safiirka Talyaaniga, Carlo Campalina iyo madaxweyne Axmed Madoobe oo goobjoog ka ahaa munaasabada saxiixa qandaraaska oo ka qabsoontey gudaha marsadda.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, in dibadda loosoo saaro maraakiibta ayaa waxay qaadan doonta muddo 72 casho ah - Laba bilood iyo laba iyo tobban maalin.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta saxiixno qandaraaskan oo soo socdey Shantii sano ee lasoo dhaafey," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hogaanka Jubbaland.

Maraakiibta lasoo saarayo oo kuwa dagaalka ah ayaa waxaa lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, iyadda oo lagu soo far-sameeyay dal weynaha Raashiya.

Talaabadan qalinka loogu duugay heshiiska ayaa imaaneysa xili bisha soo aadan ee Agoosto ay Jubbaland ka qabsoomeyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe iyo danjire Carlo Campalina oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxay kawada hadleen xaalada guud ee dalka si gaar ah amniga iyo siyaasadda.

"Arrimaha aynu kawada hadalnay waxayna ka ahayn isku aragti," ayuu daba dhigay Axmed Madoobe, oo aanan shaaciyeyna qodobadda, balse muujiyey in uu is-afgarad jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM