Jubbaland oo amar dul dhigtay Xaasaska Al Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia- Maamulka Jubbaland ayaa soo saaray maanta amar ka dhan ah haweenka ay qabaan mallayshiyaadka katirsan ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada maamulkaasi.

Amarkan oo kasoo baxay laamaha ammaanka ayaa lagu sheegay in magaalada Kismayo laga mamnuucay haweenka ay qabaan mallayshiyaadka duurka ku jira ee ka bar-bar dagallamaya ururkaasi, waxaana looga digay inay sii joogaan xarunta gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka laamaha amniga ee maamulka Jubbaland, Axmed carab, oo maanta magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa xusay inaysan macquul noqon doonin inay Kismayo ku sugnaadaan haweenka ururkaas islamarkaana nimankoodu weeraro kasoo maleegaan bannaanka, wuxuuna amar ku bixiyay inay dhaqso uga hayaamaan magaalada intaasi gacanta lagusoo dhigin.

Axmed Carab ayaa intaasi ku daray in maamulka uu horay u sameeyay hawgalka xaasaska shabaab looga saarayo magaalada, balse ay u muuqto inay soo laabteen, sida uu hadalka u dhigay.

"Annaga iyo adinka heshiis ma nihin, col baa na dhexyaalla, dil baan naga dhexeeyo, inta raggiina ay duurka ku jiraan oo ay cadow ku yihiin Jubaland naguma dhax jiraysaan ee intaan la idin soo raadinin magaalada isaga baxa,''Sidaas waxaa yiri Afhayeenka oo maanta Kismayo ka hadlayay.

Hawlgal ay sanadkii hore sameeyeen ciidammada Jubaland ayay ku qabqabteen ku dhawaad 60 haween ah oo ay ku sheegeen in ay ahaaayeen xaasaska saraakiisha Shabaab.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulka Jubbaland bilaabay howlgal ka dhan ah Al Shabaab kaasoo iminka kasocda gobolka Jubbada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM