Jubbaland oo beenisay warar laga baahiyey askarta Kenya [Daawo]
KISMAAYO, Jubbaland - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa baaniyey warar saacadihii lasoo dhaafay laga baahiyey askarta Kenya oo ku saabsanaa in ay afduubteen isla markaana ay dileen kuwa kale markii ay ka baxeen tuulada Fafaxdhuun, horaantii isbuucaan.
Cabdirashiid Xassan Cabdinuur [Janan], wasiirka amniga maamulka Kismaayo ayaa sheegay in askarta la tilmaamay in ay kaxeysteen ciidanka Kenya oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 100 ay gaareyso 35 oo kaliya, balse wuxuu been abuur ku tilmaamay in la qafaashay.
"Ciidamada la sheegay in ay afduubatay Kenya ma ahan kuwa xooga dalka," ayuu yiri wasiirka, kaasoo ku daray "Waxay ka tirsan yihiin kua Daraawiishta Jubbaland…mana jirto askar ama sarkaal la dilay".
Wasiir Janan ayaa intaasi ku daray in askarta aysan ciidamada Kenya qafaalan, balse ay iyagu raaceen, ayna haatan ku sugan yihiin tuulada Garinley oo kamid ah dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hoose.
"Labo habeen ayay ku qaadatay in ay halkaasi tagaan..intii ay socdeen qaraxyo ayaa lala eegtay…labo askari oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa ku dhaawacantay," ayuu wasiirku yiri.
- Arrimaha doorashada -
Jubbaland ayaa isku diyaarineysa doorashada Madaxtooyada iyo tan Baarlamanka, taasoo la rajeynayo in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkaan 2019, waxaana u taagan murashaxiin dhowr ah.
Wasiir Janan oo arrimahaan soo hadal-qaaday ayaa shaaciyay in tartarmayaasha looga baahan yahay in ol'olahooda uusan noqon mid wax u dhimaya amaanka isagoo ku booriyay in ay si nabad-gelyo ah ay ku raadiyaan jagadda.
"Qofkasta oo reer Jubbaland ah wuu isa soo sharaxi kara..laamaha aniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan musharaxiinta…oo ku fiiriyaan Eegmo walaaltinimo, aysana ku fiirin mid cadowtinimo," ayuu raaciyay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si cad u sheegay in siyaasiyiinta uu damaca kaga jirto xilkaasi aysan wax ol’olalaha ku qabsan karin degaanada Jubbaland inta laga soo xulayo Xilldhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.
"Musharaxiinta waa in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka," ayuu xusay, isaga oo daba dhigay "Hay’adaha amniga waxaan iyagana farayaa in ay si dhow ula socdaan bad-qabka musharaxiinta".
Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in uu isagu kamid yahay Musharaxiinta.
"Aniga kuma jiro musharaxiinta…balse waxaan rabaa in la helo nidaamka Jubbaland oo shaqeynaya..kaasoo ay naga dhex-laan dadka u qalma in ay nagala wareegaan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
GAROWE ONLINE